Saadaq Balotelli oo kula guuleestay FC Leopards koobkii ugu horreeyay

Xidigga xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliya Saadaq Cabdiqaadir Maxamed oo ku magac dheer Saadaq (Balotelli) ayaa kula guuleestay kooxda heerka koobaad ee dalka Kenya FC Leopards koobkii ugu horreeyay.

Naadiga FC Leopards, ayaa maalintii shaley 1 iyo 0 uga badisay kooxda Garmahia, markii ay kuwada cayaareen garoonka caanka ah ee Nyanyo international Stadium ee ku yaalla magaalada Nairobi.

Saadaq oo ah cayaaryan Soomali ah, ayaa bishii Julay ee sannadkan waxaa uu ku biiray kooxda Leopards oo ka mid ah kooxaha heerka koobaad ee dalka Kenya.1459880_10202423588021461_1130840625_n

Waa koobkii ugu horreeyay ee uu kula guuleesto Saadaq koobkan, waxaana qiimihiisa lagu sheegay labo Milyan oo lacagta dalka Kenya ah, taasoo u dhiggan $30,000.

Cayaaryahan Saadaq ayaas annadkii horre kooxda Banaadir Sports Club kula guuleestay koobka General Daa’uud.

Kooxda FC Leopards ayaa sannadka dambe ka qaybgali doontaa koobka kooxaha Afrika ee Cacafa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here