R/wasare Saacid oo xalay kulan Afur ah la qaatay Dhalinyarada

Raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa xalay kulan afur ah la qaatay dhalinyaro Soomaaliyeed oo isugu jira arday iyo ururada dhalinyarada. Kulankan oo ka dhacay hoyga raysul wasaaraha ayaa ujeedkiisa lagu sheegay in dhalinyarada la siiyo fursad ay madaxda dawlad kaga dhageystaan talooyinkooda, si ay uga qeybqaataam amniga iyo dib u dhiska dalka.

Afhayeenka raysul wasaaraha Ridwaan Xaaji C/weli ayaa sheegay in kulankan uu ahaa mid ballaaran oo loogu talagalay in raysul wasaaraha iyo xukuumadda uu hogaamiyo ay ku maqlaan aragtida dhalinyarada oo ah xooga dalka iyo jiilka dambe ee hogaaminta dalka.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in kulankan lagu ururinayey aragtida dhalinyarada si loogu biiriyo qorshaha ballaaran ee ay dawlada la tegi doonto shirka caawimada Soomaaliya ee Midowga Yurub ee bisha Sebtembar ka dhici doona magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub halkaasoo dawlada Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay wadajir uga dhawaaqi doonaan barnaamijka “New Deal” ee lagu caawinayo dib u soo kabashada Soomaaliya ka ib markii uu dhamaaday waqtigii dagaalka sokeeye ayna Soomaaliya ka baxday waqtigii kumeel gaarka ahaa.

Afhayeenka Xukuumadda ayaa sidoo kale xusay  in Xukuumaddu ay waddo Uruurinta qorshaha ay la tagi doonto shirka Brussels ka dhici doono ee dib u dhiska Soomaaliya xooggana lagu saari doono.

Waa Kulankii labaad uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Xukuumaddiisa ay la yeeshaan qeybaha dhalinyarada Soomaaliyeed, si loo sii adkeeyo sida loo muujiyo in Xukuumaddu ay ka go’antahay dardargalinta qorshaheeda ay ku howlgalineyso Dhallinyarada Soomaaliyeed ee gudaha dalka iyo dibedda wax ku Bartay diyaarna u ah in dalkooda ay u adeeggaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here