R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khalif Galeyr oo soo gaaray Muqdisho

R/wasaarihii hore ee Soomaaliya Proff  Cali Qaliif Galeyr  ayaa maanta ka soo degey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Proff Cali KHaliif Galleyr R/wasaarihii hore ee Soomaaliya dowladii Cabdi Qaasin madaxweynaha ka ahaa ayaan la ogeyn ujeedada dhabta ah ee ka dambaysa booqashadiisii iyadoo la og yahay in siyaasiyiin badan ay dalka dib ugu soo laabanayaan xilli loo diyaargaroobayo in doorasho ka dhacdo dalka markii ugu horeysey muddo ka badan afartan sano.

Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyey dadweyne faro badan iyo mas’uuliyiin ka tirsan dkgaarka ah iyo sidoo kale maamulka dhowaan lagu dhowaaqay eeKhaatumoState.

Hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in Proff Cali Khaliif oo xilal badan ka soo qabtay dalka Soomaaliya uusan haatan diyaar u ahayn inuu kamid noqdo musharixiinta madaxweynaha dalka Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee Galleyr ayaa ka mid ah siyaasiyiin waxbadan dhaliishay dastuurka cusub ee dalka uu yeelan doono marka la ansixiyo dhowaan.

1 COMMENT

  1. saxiibayaal waad mahadsantihiin inaad noo sheegtan inuu cal kh u yimiday xamer lakiin muxuu faidayn kara ninka qabyalad u xadhko xidahay inuu somaliya u qaybiyo sida kale dadka masakiinta ah ee reer sool dagaal galiyey
    waa in maxkamad la keena hadii taasi dhici weydo illahay baa akhiro ku sugaya ifkana wuu ku naanabi doona

Comments are closed.