R/wasaare Saacid oo sheegay in maamulka doowlada lagu balaarinayo gobolada dalka

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa maanta booqsho ku tagay magaalada dhuusa-mareeb, ee gobolka Gal-daduud, RW ayaa waxaa magaalada Kusoo dhaweeyay dad weyne aad ufarabadan, wuxuuna dadweynihii halkaas isugu soo baxay usheegay in doowlada Soomaaliya lagu ballaarin doono guud ahaan gobolada dalka.

Raysalwasaaraha Soomaaliya oo isagu ku dhashey kuna bar-baarey magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in booqashadiisu xiiso gaar ah iyo xasuuus lama ilaawaan ah ay ku reebayso maadaama aanu muddo dheer arag magaaladda uu ka soo jeedo.

Cabdi Faarax Shirdoon oo la hadlay dadweynaha ayaa uga mahadceliyay soo dhoweynta ballaaran ee ay u sameeyeen, wuxuuna xusay in degmada Dhuusamareeb ay tahay degmadii uu ku dhashay ayna muhiimad gaar ah u leedahay booqashadiisan.

R/wasaare Saacid, ayaa ururka Ahlusuna ee maamulada gobolada dhexe, gaar ahaan magaalada Dhuusamareeb, uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay isaga daafaceen kooxda Al-shabaab, oo iyagu dhowr mar isku dayay ineey qabsadaan magaaladaas.

Raysalwasaaraha ayaa sidoo kale xusay in booqashadan ay jawaab u tahay booqasho ay mas’uuliyiinta Ahlusunnah ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho markaas oo uu ballan qaaday inuu booqasho ku tegi doono Dhuusamareeb. waxaana inta uu joogo Raysalwasaaruhu kulamo la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada, sida odayaasha dhaqanka, waxgaradka, siyaasiyiinta, dhalinyarada, haweenka isaga oo kormeero ku sameyn doona qeybaha taariikhiga ah ee degmada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here