R/wasaare Saacid Oo Saacadaha soo aadan ku wajahan Garowe

Wararka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in halkaas ay ka socdaan diyaargarow loogu jiro soo dhaweynta wafdi uu hogaaminayo R/wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Cabdi FaaraxShirdoon Saacid.

Goob joogayaal ku sugan garoonka diyaaradaha ayaa noo xaqiijiyay in halkaas ay kusii qul qulayaan madax katirsan maamulka Puntland, kuwaasoo u diyaar garoobaya soo dhaweynta wafdiga R/wasaaraha, waxaana si wayn loo sugay amniga guud ee magaalada waxaana sidoo kale la filayaa in soo dhawaynta Madaxda federaalku ay ka qayb qaataan Hogaanka Puntland oo ay kusoo dhaweeyaan Garoonka diyaaradaha ee Magaalada garoowe.

Majiraan wax faah faahin oo kasoo baxay xafiiska R/wasaaraha oo ku aadan safarka uu ku tagayo magaalada Garowe, balse waxaa lawada ogyahay in Puntland ay si weyn uga soo horjeesatay qaadista Xayiraada hubka ee ay QM ka qaaday Soomaaliya mudo sanad ah.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waxaan idinkugu soo gudbin doonaa wararkeena soo socda insha alaah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here