R/wasaare Saacid oo Muqdisho dib ugu soo laabtay

R/wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa shalay galab dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safar saacado qaatay uu ku tagay magaalooyinka Balcad iyo Jowhar, oo kawada tirsan gobolka Shabeelada Dhexe.

RW Saacid, iyo wafdi uu hogaaminayay aya shalay si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Jowhar, waxaana uu halkaas kulamo kula qaatay, maamulka, Odoyaasha dhaqanka, waxgaradka iyo sarakiisha Ciidamada AMISOM.

“Waxaa maanta xaqiiqsaday maah maahdii aheyd Aduunyo Jowhar ka jooq Aaqirana Jano, Reer Jowhar sida ay maanta iigu casuumeen beerahaan quruxda badan ayaa taasi ka marqaati ah ”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.

R/wasaare Saacid, ayaa ballanqaaday in doowlada ay dib u dayactiri doonto warshadaha ku yaal shabeelada dhexe.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here