R/wasaare Saacid oo Muqdisho dib ugu soo laabtay

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wefdigii uu hoggaaminayey ee soo dhammeystay Socdaal shaqo oo ay muddo laba cisho ah ku soo kala bixiyeen magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, ayaa inta aysan ku soo laaban Muqdisho, waxa ay kulammo kala duwan La soo qaateen, Odayaasha Dhaqanka , Bulshada gobolka, Saraakiisha ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa xalay ilaa maanta galinkii horey la kulmay Bulshada magaalada Baydhaba, iyadoo kulammadaasi lagu dhageystay aragtida dadweynaha, waxaana Bulshada kulamadaasi ka soo qeyb-gashay ay ballan qaadeen in ay sii labo jibaari doonaan taageerada dowladda iyo Iskaashiga ay la leeyihiin.

Sidoo kale waxaa iyana muhiim ahaa kulammadii Ra’iisul wasaraha oo ay wehliyeen Wasiirrada Gaashaandhigga, Ganacsiga, Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Horumarinta adeegga Bulshada iyo xildhibaanno Barlamaanka Soomaaliya ka tirsan, kulammadii ay la yeesheen saraakiisha ciidammada Qalabka Sida iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo wadajir isaga kaashanaya Nabadgelyada gobolka, waxaana la isla gartay in la sii ballaariyo sugidda ammaanka iyo sidoo loo xoreyn lahaa deegaannada ay Nabad diidku haraadiga ku yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha iyo masuuliyiintii kale ee la socotay ayaa Saaka booqday Isbitaalka Weyn ee magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, iyadoo Ra’iisul wasaaruhu uu xog-wareystay bukaannada ku jira isbitaalka, kaddibna waxa ay wefdiga uu Ra’iisul wasaaraha hoggaaminayey u soo ambabexeen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” iyo wefiga uu hogaaminayay markii ay soo gaareen Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde waxa uu warbaahinta halkaasi ugu qabtay shir ja’raa’id oo uu kaga warbixinayay dhammaan waxyaabihii u soo qabsamay intii ay ku sugnaayeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Socdaalka Shaqo ee uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku tegay magaalada Baydhaba ayaa qeyb ka ah socdaalladii shaqo ee gobollada dalka lagu gaarsiinayey Barnaamijka Xukuumadda,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here