R/wasaare Saacid oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Kismaayo

R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, isagoona sheegay in safarkiisa uu qayb kayahay safarada uu ugu magac daray “Socdaalka dhagaysiga” oo uu horay ugu tagay gobolada dhexe ee Soomaaliya iyo Puntland.

Wafdiga Ra’iilsul Wasaaraha oo diyaarad ka qaaday Saaka Airporka Muqdisho ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Airporka magaalada Kismaayo.

Wafdiga ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidamada Dowlada oo ku sugnaa Airporka Kismaayo, waxayna isla goobtaasi kulamo kula yeesheen mas’uuliyiinta Maamulka Kumeelgaarka ah ee Kismaayo iyo saraakiisha Ciidamada.

Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha la socda ayaa lagu wadaa inay gaaraan Hotel magaalada looga diyaarshay xili magaalada lagu soo rogay Bandow, sidoo kale gaadiidka ayaa laga hakiyey inay wadooyinka waaweyn ee magaalada maraan.

Wafdiga ayaa lagu wadaa in galabta ay saxaafada la hadlaan, waxayna isla maanta u gudo geli doonaan kulamada loo qorsheeyey oo ay la leeyihiin beelaha ku dhaqan gobalka, maamulka, ciidamada iyo bulshada rayidka ee Kismaayo.

Amaanka magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyey waxaana gaaf wareegaya wadooyinka magaalada gaadiidka ciidamo farabadan oo wata gaadiidka dagaalka kuwaas oo xaqiijinaya amniga magaalada waxaana gabi ahaaanba maanta magaalada Kismaayo ka dhaqan galay Bandow ay kusoo rogeen muddo maalin ah maamulka kumeelgaarka ah ee magaalada Kismaayo.

Maamulka Kismaayo iyo dowladda ayaa kukala aragti duwan qaabka loo dhisayo maamulka Jubbooyinka.

Maamulka Kismaayo ayaa iyagu ku doodaya in dowladdu ay carqaladeynayso qorshaha maamul-u-sameynta gobollada Jubbooyinka, halka dhinaca dowladda Soomaaliya ay iyaduna aaminsan tahay in qorshe walba oo lagu dhisayo maamul ay iyadu lahaato hoggaanka, maamul walbana xagga hoose laga soo dhiso laguna darro dhammaan qeybaha kale duwan ee

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here