R/wasaare Saacid oo maanta ku wajahan Kismaayo Warbixin

Wafdi uu hogaaminayo R/wasaaraha Soomaaliya Cadi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa la filayaa iney maanta gaaraan magaaada kismaayo ee Xaruunta gobolka Jubada Hoose.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska R/wasaaraha ayaa lagu sheegay in booqashada Kismaayo ay qayb katahay safar uu R/wasaaraha maalmihii ugu danbeeyay ku tagayay qaar kamid ah gobolada dalka, kaasoo ku aadan u kuur galida xaalada gobolada, iyo sidii maamul loogu samayn lahaa.

Wafdiga R/wasaaraha ayaa waxaa magaalada Kismaayo uga sii horeeyay wafdi kaloo balaaran kana socda doowlada, kaasoo hor dhac u ah safarka R/wasaaraha, kuwaasoo shalay gaaray magaalada Kismaayo.

Wafdiga doowlada ee shalay gaaray Kismaayo, xalayna ku hoyday halkaas, waxaa kamid ah wasiirka arimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed, wasiirka gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, iyo xubno katirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Wafdiga ayaa shalay galab iyo xalay kulamo la qaatay madaxda maamulka KMG ah ee Kismaayo, oo uu kamid ahaa Axmed Islaam “Axmed Madoowe”, iyo saraakiisha Ciidamada Kenya, ee qaybta ka ah AMISOM, hase yeeshee wararka ku dhow dhow kulamadaas ay xalay iyo shalay galab yeesheen, masuuliyiinta maamulka KMG ah ee Kismaayo, iyo wafdiga doowlada ayaa ku ekaa booqashada R/wasaare Saacid lagu wado inuu maanta halkaas ku tago iyo sidii loogu sii gogol xaari lahaa, loona adkeyn ahaa amaanka.

Wasiirka arimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed, oo VOA-da wareysi siiyay ayaaa sheegay, in ujeedada safarkooda ay shalay Kismaayo ku gaareen, uu hordhac u yahay safarka uu manta R/wasaaraha ku gaarayo halkaas.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ilaa iyo xalay ka socday diyaargarow xoogan oo loogu jiro soo dhawaynta R/wasaaraha, waxaana saraakiisha maaamulka KMG ah ee gacanta ku haaya Kismaayo qaarkood la arkayay shalay ilaa iyo xalay iyagoo booqanaya saldhigyada Ciidamada, si ay ugu dhiiro galiyaan ineey yeeshaan feejignaan dheeri ah, xilna ay iska saaraan amaanka.

Xilibaaan Cabdirashiid Xidig, oo kamid ah ragga sida weyn u taageersan shirka maamu u samaynta jubooyinka ee ay doowlada Soomaaliya ka biyo diiday kuna sugan magaalada Kismayo, ayaa sheegay in magaalada Kismaayo uu ka soconayo diyaar garow aad u weyn, kaasoo lagu soo dhaweeynayo wafdiga uu hogaaminayo R/wasaaraha, kaasoo lagu wado in saacadaha soo aadan uu gaaro halkaas.

Magaalada Kismaayo ayaa ah magaaladii ugu weyneyd ee ugu danbeysay kana baxda gacanta kooxda Al-shabaaab, oo ku sugnayd halkaas mudo, dhaqaalo ahaana ku tiirsaneyd, waxaa kaloo jooga Ciidamo kasocda Kenya kana tirsan  AMISOM, iyo Ciidamo ka amar qaata maamulka KMG ah, ee magaalada gacanta ku haya, waxaana Ciidamdaas saaran amaanka R/wasaaraha, iyo wufuuda kale doowlada, waana tijaabadii ugu horeysay ee waxa ay sheeganayaan ee ah, in magaalada gacanta ay ku hayaan, oo ay amaankeedana sugantahay.

Xilibaan Cabdirashiid Xidig, oo qaba in wal wal dhanka aamaaanka ah uusan magaalada kajirin, ayaa yiri:

“Wal wal amaanka dhanka R/wasaaraha ku saabsan kama jiro magaalada Kismaayo, Ciidamo u xilsaaran ineey sugaan amaanka R/wasaaaraha iyo wafdiga lasocda ayaa jooga”.

Booqashada R/wasaaraha aya ku soo beegmeysa xili khilaaf xoogan uu ka taagnaa maamul u samaynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Saraakiisha maamulka KMG ah, ee gacanta ku haya maamulka magaalada Kismaayo iyo saraakiil kale oo ay xulufo yihiin oo kasoo jeeda gobolka Jubada dhexe, oo weli gacanta ugu jira Al-shabaab, iyo gobolka Gedo ayaa riixayay maamul u samaynta goboladaasi, halka doowlada Soomaaliya ay shirkaasi ku tilmaamtay mid aan sharci ahayn.

Hadii ay doowlada ka gudubta caqabada mamul u samaynta Jubooyinka, oo heshiisna laga gaaro qaabka loo dhisayo maamulkaas, waxay tusaale fiican u noqon karta dhismaha maamulada gobolada kale, iyo sida ay suurtagal u tahay in doowlada marka ugu danbeysa  ay ku guuleysato hirgalinta nidaamka Federaaliga ah, ee ku xusan dastuurka Soomaaliya

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

  1. saacid alif waxbuu leeyahay iyo alif wax maleh isaga ayaa laga hayaa ninkaan ma sheegin in uu kismayo u qayilaad tegaayo. dadka reer jubaland way siku tashteen dowladaan fadhiidka ah waxba kama ay sugayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here