R/wasaare Saacid oo goordhow u duulay Djibouti

R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, iyo Xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa goordhow u duulay dalka dibadiisa.

R/wasaaraha iyo wafdiga uu hogaaminayo, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Adde kusii sagootiyay masuuliyiin kala duwan oo xubnaha labada gole ee doowlada ka socday, iyo Siyaasiyiin, iyadoo safarka ugu horeeya sida lasheegay uu ku gaari doono dalka Djibouti, halkaasoo uu R/wasaaraha kulamo kula qaadan doono madaxda dalkaas.

Sidoo kale R/wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa laguw adaa ineey gaaraan dalalka Ethiopia iyo Burundi.

R/wasaare Saacid, ayaa maalmihii ugu danbeeyayw axa uu booqasho ku kala bixinayay qaybo kamid ah gobolada dalka, waxaana safarkaan uu maanta dibada ugu baxay noqonaya kiisii ugu horeeyay, tan iyo markii loo magacaabay xilkaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here