R/wasaare Saacid oo dhibsaday Sawirada uu sameeyo Aminarts

25_SEP_2013R/wasaare Saacid ayaa aad u dhibsaday Sawir Gacmeedyada uu ka sameeyo Aminarts, war qoraal ahaa oo Isbuucii lasoo dhaafay kasoo baxay Xafiiska R/wasaare Saacid, ayaa Sarkaal ka tirsan Xafiiska RW waxaa lagu eedeeyay inuu dhaqaale ku bixiyay in Sawir Gacmed laga sameeyo R/wasaaraha.

Ujeedada laga leeyahay Sawirka uu Aminarts ka sameeyay Saacid, ayaa lagu sheegay in indhaha Shacabka laga jeediyo waxqabadka iyo horumarka ay Xukuumadiisa ku tallaabsatay mudadii ay jirtay, waxaana sidaas warbaahinta Muqdisho u sheegay Sarkaal katirsan Xafiiska R/wasaaraha.

“Xoriyadda tacbiirka macnaheedu ma aha in shaqsi lagu xad gudbo. Fadlan Aanu iska ilaalino ku xad gudubka shaqsi. Waxaanu xor u nahay in aanu fikirkayaga ku soo bandhigno hadal, qoraal sawir iwm inagoo aanan shaqsi ku xad gubeeynin.” Sidaas waxaa Bartiisa Facebooka kusoo qoray R/wasaare Saacid.

 

Aminarts, ayaa had iyo Jeer Boggisa waxa uu kusoo daabacaa Sawiro lagu dhaliilayo Madaxda DFS iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed, sidoo kale waxa uu kusoo daabacaa waxqabadka iyo Horumarka ay ku tallaabsato DFS.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa si aad ah u daalacda Bogga Aminarts, waana mid kamid ah Boogaga loogu daalacashada badanyahay Aduunka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here