R/wasaare Saacid oo beeniyay inuu booqan doono Somaliland

R/wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon Sacid, oo la hadlayay warbaahinta doowlada, ayaa si qoto dheer leh uga hadlay safari uu mudooyinka danbe ku kala bixinayay qaar kamid ah gobolada dalka, waxaana uu ka dhawaajiyay in gobolada qaar uusan wali gaarin uu sida ugu dhaqsiyaha badan ku tagi dooo.

R/wasaare Saacid, aya meesha ka saaray inuu booqan doono deegaanada uu ka arimiyo maamulka Somaliland, oo iyagu sheegtay ineey ka go’een Soomaaliya inteeda kale.

“Gobolada aanan tagin dhamaantood waa ii qorsheysanyihiin inaan tago, sababo kooban oo aan u tagina waan ku darahayaa, tuseela, Buu’aale iyo Xudur wali ma aanan tagin, waxaana saamaxeyn nabad galyada inaan labadaas gobol tago” ayuu yiri R/wasaaraha.

R/wasaaraha ayaa dhinaca kale tilmaamay, in safaradii uu kusoo kala bixiyay gobolada dalka, ay faa’’ido badan ugu jirto doowlada Soomaaliya, islamarkaasna uu si weyn ugu mahad celinayo dadka ku dhaqan deegaanadii uu booqday, iyo sida ay diyaarka ugu yihiin ineey la shaqeeyaan, oo ay garab istaagaan doowlada.

“Xaqiiqatan tagistii aan gobolada dalka tagay waxay igu beertay qiiro, iyo Soomaalinimo, iyo Galgacal dheeraad ah” ayuu yiri RW.

Xukuumada uu hogaamiyo R/wasaare Saacid, ayaa noqotay xukuumadii ugu horeysay ee gobolada dalka safari ku kala bixisa, tan iyo wixii ka danbeeyay doowladii dhexe ee uu hogaaminayay Allaha Unaxariistee, Maxamed Siyaad Barre, oo wadanka ka talineysay mudo kahor 22 sano.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here