R/wasaare Kheyre oo beeniyay inuu jiro khilaaf kala dhaxeeya qaar kamid ah Xildhibaanada

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka hadlayay kulan uu shalay kula qaatay magaalada Kismaayo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa sheegay in wada shaqeyn wanaagsan u dhaxeyso Hey’addaha dowladda.

“Ma jiro wax khilaaf ah oo u dhaxeeya hey’addaha dowladda, waxaa joognaa waqtigii ugu wanaagsanaa ee wada shaqeynta Baarlamaanka iyo Xukuumadda”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa maalmo ka hor kulan la qaatay Guddiyada joogtada Baarlamaanka, iyadoo su’aalo laga weydiiyay xiisada ka dhalatay hadalkii Sheekh Nuur Baaruud iyo howlo kicin bulsho oo ay wado Xukuumaddiisa, isagoo arrimahaas ku tilmaamay kuwo aanay Xukuumadda wax lug ah ku laheyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here