R/wasaare Gaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Beledweyne.

R/wasaare Cabdiweli Maxamed Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka degey goor dhow garoonka dayuuradaha ee magaalada Beledweyne.

R/wasaare Gaas ayaa waxaa ku soo dhoweeyey dadweyne aad u faro badan iyo saraakiisha ciidamada Soomaalida iyo kuwa Itoobiyaanka ee ku sugan magaalada Beledweyne.

Wafdiga R/wasaaraha oo aan la shaacin mudada ay joogi doonaan magaalada Beledweyne ayaa lagu wadaa inay goor dhow halkaas kaga dhowaaqaan marka uu la tashi la sameeyo dhinacyada kala gedisan ee bulshada maamul uuyeesho gobolka Hiiraan.

R/wasaaraha ayaa warar hoose ay sheegayaan in uu sii diyaarsaday shaqsiga noqon doona guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Hase yeshee waxaa ay siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Hiiraan ay doonayaan in ay noqdaan dowlad goboleed gaar ah.

Wixii warar ah ee ku soo kordha wafdiga R/wasaaraha kala soco Midnimo.com,