R/wasaare Dr Cabdiwali Maxamed Cali Oo ku sii jeeda magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo R/wasaare Dr Cabdiweli ayaa lagu wadaa in ay maanta gaaraan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdigan ayaa ah xubnihii ugu muhiimsanaa ee ka socda DKGaarka ah ee gaara magaalada Beledweyne tan iyo markii toddobaadkii hore ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Beledweyne ciidamo taabacsan dkgaarka ah iyo ciidamo Itoobiyaan ah.

Wafdigan ayaa la sheegay inay kamid noqon doonaan Wasiirka gaashandhiga ahna R/wasaare kuxigeen, wasiirka Warfaafinta, wasiirka Iskaashigga iyo xiriirka caalamiga, wasiirka Badroolka, Taliyaha ciidammada Xoogga dalka, xildhibaanno. oday dhaqameedyo iyo saraakiil kale.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa ujeedada ugu weyn ee ay u tegeyaan magaalada Beledweyne waxa ay tahay sidii loo mideyn lahaa maamulka gobolka Hiiraan iyadoo ayka jiraan gobolka Hiiraan dhinacyo kala duwan oo dhamaantood taageera dowlada balse aragtiyo gaar ah leh.

Dhowaan ayaa markii laga saaray ciidamada Alshabaab magaalada Beledweyne waxaa sheegtay inay ka dambeeyeen maamul la magac baxay maamulka dooxada Shabeelle, sidoo kale ururka Ahlusunna ayaa isna sheegtay in ay ciidamadiisu ka qeybqaateen dagaaladii looga saaray Beledweyne ciidamada ururka Alshabaab.

Si kasta ha ahaate R/wasaaraha iyo xubnaha la socda ayaa lagu wadaa in ay ka dhisaan maamul hoos yimaada dowlada Kumeelgaarka ah magaalada Beledweyne.

Maamul la’aanta ka jirta gobolka Hiiraan iyo kala qeybsanaanta ayaa sababtay in uu hakad ku yimaado xowligii ay ku socdeen ciidamada ka soo tallaabay dalka Itoobiya oo saacado gudahood uga saaray ciidamo maamulayay magaalada Beledweyne muddo labo sano ah.

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in ammaanka la adkeeyey isla markaana ay ka socoto magaalada diyaargarow loogu jiro soo dhoweynta R/wasaaraha iyo wafdiga uu horkacayo.

1 COMMENT

  1. بسم الله الرحمن الرحيم
    السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
    sln kadib waxaan ku farax sanahay aad&aad dadaal ka baa xada leh oo eey inoo wado (d;m;g) isbadal kaa yoo inoo muujinayo rajooyin ka naga lun san mudo 21,sano ee taa iyadana mahadeeda ale leh kasokane doow ladan inoo muuji neysay da daalkan faraha badan ee fadlan bul shadeena sharafta leh fari kaligeed fool ma dhaqdo balse faarey bixi saa ee anaguna waxaa nagu waajiba inaan la imaano daganaan&kala dan beyn udaa cad noqona na diin teena&dalkeena&dastuur keenaba w,s,w

Comments are closed.