R/wasaare C/weli Oo Booqday Dhaawacyada Ku Jira Cisbitalka Xalane

R/wasaare C/weli Sheekh Axmed ayaa saaka booqday cisbitalka Xalane oo ay ku jiraan dadkii ku dhaawacmay weerarkii argagixiso ee ka dhacay degmada Buulo Burde.

Sidoo kale R/wasaaraha ayaa mid mid u gacan qaaday dhaawacyadaasi isagoo u rajeeyay in uu Allah bogsiiyo, isagoo xusay iney dowladu daryeel u fidineyso dhaawacyadaasi.

Dhinaca kale R/wasaare C/weli ayaa la filayaa in uu isla maanta u ambabaxo magaalada Jineva ee dalka Sweseland, halkaas oo uu kaga qeybgeli doono shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here