R/wasaare C/wali oo gaaray Marka

Raysal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa maanta barqadii gaaray magaalo xeebeedka Marka ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose.
Raysal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa Marka ku tagay diyaarad Helkobter ah oo uu ka soo raacay magaalada Muqdisho.
Markii uu soo gaaray magaalada waxaa lagu soo dhaweeyay magaalada halkaasoo dadweyne faro badan ay ku sugnaayeen iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Marka.
Ra’iisal wasaaraha inta uu joogo Marka wuxuu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiinta magaalada Marka iyo shacabka ku dhaqan magaalada.
Waa markii ugu horreysay oo ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu tago magaalada Marka tan iyo markii uu xilka qabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here