R/wasaare C/wali oo beri ku wajahan Kismaayo

OLYMPUS DIGITAL CAMERAMagaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubada Hoose, waxaa haatan ka socda diyaar garow lagu soo dhaweeynayo wafdi uu hogaaminayo R/wasaare C/wali.

Qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Kismaayo, ayaa u diyaar garoobaya soo dhaweynta R/wasaaraha.

Qaar kamid ah ururrada dhalinyarada ee ka dhisan degmada Kismaayo, ururrada bulshada rayidka ah iyo dadweeyne kale ayaa isugu soo baxay halkaasi, waxayna kusoo bandhigeen ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo weliba soo dhaweynta ay ugu talo galeen wafdiga ra’isul wasaaraha.

Safarka R/wasaaraha ee uu beri ku tagi doono Kismaayo, ayaa noqonaya kiisii ugu horeeyay ee uu halkaas ku tagay tan iyo markii xilka loo magacaabay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here