RW & taliyaasha amaanka oo hor-tagay Baarlamanka

xalwesteRa’iisul Wasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Golaha Xukuumadda iyo Taliyaha ciidamada Nabad Suggida Somaliya C/raxmaan Tuur yare ayaa hortagay Baarlamaanka Somaliya.
Markii ay halkaasi tageen Masuuliyiintaan, ayaa Ra’iisul Wasaaraha wuxuu dalbaday in Saxaafadda Banaanka looga saaro, islamarkaana kulanka ay isugu soo haraan kaliya masuuliyiinta.

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa ku kala qaybsamay in Saxaafadda Banaanka loo saaro iyo inay joogaan, waxaana cod loo qaaday arintaasi, iyadoo ugu dambeyn ay bateen Xildhibaanada ogolaaday in Saxaafadda Banaanka loo saaro.

Kulanka hada socda ayaa u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid, Taliyaha Nabad Suggida iyo Xubnaha Baarlamaanka Somaliya, xitaa waxaa xarunta Golaha shacabka laga soo saaray Shaqaalaha Baarlamaanka.

Wax badan lagama ogo waxa ay ka wada hadlayaan masuuliyiintaan, laakiin Baarlamaanka Somaliya ayaa si weyn ugu kululaa inuu hor yimaado Taliyaha Nabad Suggida oo dhowr mar ka meer meeray inuu Baarlamaanka hortaggo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here