RW Soomaaliya iyo madaxweyne ku xigeenka Kenya oo ku kulmay Nairobi

 

1620941_10151971983693553_1635218230_n

Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta oo Arbaco ah kula kulmay magaalada Nairobi madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto.

Labada mas’uul ayaa kulankooda uga wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal, la dagaallanka Al-Shabaab iyo dib u celinta qaxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya.

Xuseen Nuur Xaaji oo ah weriye madax-bannaan oo si dhow ula socday booqashada raysul wasaaraha Soomaaliya ee Kenya ayaa Bar-kulan u sheegay inay madaxda isku af-garteen qodobbada looga hadlay kulanka.

Isagoo ka hadlayay kulanka, raysul wasaare Cabdiweli ayaa sheegay inay xukuumaddiisa dhowaan magacaabi doonto xubnaha uga mid noqon doona guddi saddex geesood ah oo loo xil-saaray arrinta dib u celinta qaxootiga Soomaalida.

Dowladda Kenya iyo hay’adda UNHCR ayaa horey u magacaabay xubnaha uga mid noqonaya guddiga, balse dowladda federaalka Soomaaliya ayaan ilaa hadda magacaabin xubnaheeda.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto ayaa sheegay inuu dhowaan booqdan doono caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, isla markaana bisha June ee sanadkan ay dib u furan doonaan safaaradda ay ku lahaayeen Soomaaliya.

Wafdiga raysul wasaaraha ayaa qado sharaf la qaatay guddoomiyaha baarlamanka Kenya, waxaana lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta ay u amababaxaan magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here