RW Somolia maanta la kulmaya Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

RW Cabdiweli Sheekh oo gaaray Jabuuti
RW Cabdiweli Sheekh oo gaaray Jabuuti

Wararka naga soo gaaraya dalka Jabuuti, ayaa sheegaya in Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa lagu iney maanta kulan la yeeshaan  Madaxweynaha wadankaasi Ismaaciil Cumar Geelle.

Wafdiga ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo shaley caasimada Jabuuti, ayaa la sheegay in maanta ay la kulmayaan madaxda dalkaas oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Jabuuti.

Wariyaasha ku sugan Jabuuti ayaa soo sheegaya in ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha Jabuuti ay ka wada hadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal iyo doorka ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM.  .

Ra’iisul wasaare Cabdiweli waxaa booqashadiisa ku wehliya wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, wasiirka maaliyadda, Xuseen Cabdi Xalane, wasiirka warfaafinta, Mustaf Dhuxulow, wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Siciid Maxamed Qorsheel iyo wasiiru dowlaha gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here