RW Somali oo gaaray Jabuuti

RW Cabdiweli Sheekh oo gaaray Jabuuti
RW Cabdiweli Sheekh oo gaaray Jabuuti

Wafdi uu hoggaaminayo raysul wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda Jabuuti isagoo ka duulay dalka Itoobiya oo uu ku sugnaa beryihii la soo dhaafay.

Dhiggiisa Jabuuti Cabdiqaadir Kaamil iyo wasiirro Jabuutiyaan ah ayaa raysul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ku soo dhoweeyay dalka Jabuuti.

Raysul wasaare Cabdiweli ayaa booqasho rasmi ah oo qaadan doonta labo maalmood ku joogi doona dalka Jabuuti, isagoo kulamo la qaadan doona madaxda dalka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa.

Waxay ka wada hadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal iyo doorka ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM.

Raysul wasaare Cabdiweli waxaa booqashadiisa ku wehliya wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, wasiirka maaliyadda, Xuseen Cabdi Xalane, wasiirka warfaafinta, Mustaf Dhuxulow, wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Siciid Maxamed Qorsheel iyo wasiiru dowlaha gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here