RW Shirdoon Laamaha amnigu waa in si deg deg ay u baaraan dilka Xildhibaan Faysal

SaadRa’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” iyo dhamaan xubnaha golaha Wasiirada, ayaa ka tacsiyadeeyey geerida naxdinta leh ee ku timid xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed (Feysal) isaga oo xusay in xidhibaan Feysal uu ahaa shaqsi aad ugu weyn ummadda Soomaaliyeed, islamarkaana kaalin muhiim ah uga jiray howlaha Qaranka.

“Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed wuxuu ahaa xildhibaan karti leh, kuna dadaali jiray in ummadda Soomaliyeed ay ka soo kabato dhibaatooyinka kala duwan ee heysta” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.

Sidoo kale, R/wasaaruhu waxa uu si gaar ah tacsi ugu diray guddoonka Baarlamaanka, Mudanayaasha Baarlamaanka, Qoyskii iyo caruurtii, ehelada, qaraabada, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ka dalbaday qeybaha Amniga inay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan cidii ka dambeysay falkan lagu dilay xildhibaanka.

“Xildhibaan Feysal waxaa dishay gacan ka xaq daran, waxaana Alle uga baryayaa inuu janadiisa ka waraabiyo, samir iyo iimaana naga wada siiyo” ayuu yiri ugu dambeyntiina R/wasaare Saacid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here