RW Saacid: “Xalka dalka waxaa uu ku jiraa dastuurka inoo qoran oo la raaco”

121113193033_somali_prime_minister_512x288_afp_nocreditR/wasaare Saacid, ayaa wali ku adkeeysanaya inuusan is casili doonin, islamarkaasna uu ku qanacsanyahay in Baarlamaanka Federalka ay soo faragaliyaan Khilaafka ka dhex taagan isaga iyo M/weynaha.

R/wasaare Saacid, ayaa Warsaxaafadeed uu shalay soo saaray, waxa uu ku cadeeyay inuu jiro Khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo M/weyne Xasan Shiikh.

R/wasaare Saacid, ayaa goordhow War uu kusoo qoray Boggisa Facebooka, waxa uu ku sheegay in xalkauu ku jiro in la raaco Dastuurka u dagsan dalka, taasoo uu ula jeedo inuu ku qanacsanyahay go’aanka ugu danbeeya ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

“Xalka dalka waxaa uu ku jiraa dastuurka inoo qoran oo la raaco.” ayuu R/wasaare Saacid ku qoray Bogiisa Facebooka.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in ilaa 20 wasiir oo isugu jira Wasiiro, wasiiro ku xigeen iyo Wasiiru doowlayaal, ay maanta R/wasaaraha ugu tageen Xafiiskiisa islamarkaasn a ay ka codsadeen inuu is casilo.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idiin soo gudbin doonaa Insha Allah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here