RW Saacid: “waxaan diyaarinay qorshe lagu xasilinayo Kismaayo”

RW dalka Soomaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa daaha ka qaaday in xukuumada uu hogaamiyo ay diyaarisay qorshe wax looga qabanayo amaanka magaalada Kismaayo.

R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ‘’Saacid’’ ayaa ka hadlay siyaasadda dowladda ee dhinaca amniga iyo arrimo kale, isagoo sheegay in dhawaan la hirgalin doono dhameystirka agabka ciidammada Qalabka Sida, isla markaana dib loo howlgalin doono xeryihii ciidammada, si guul looga gaaro horumarrinta,  tayada Ciidammada Qalabka Sida.

Sidoo kale RW Saacid ayaa aad u amaanay doorka ciidamada Ahlusuna-waljamaaca iyo dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-shabaab, waxaana uu sheegay in dhowaan wafdi heersare ah ay udiri doonaan gobollada dhexe halkaasoo ay wada tashiyo kula soo sameyn doonaan masuuliyiinta Ahlusna kaasoo ku saabsan sidii loo cirib tiri lahaa Al-shabaab.

Sidoo kale RW ayaa mar uu soo hadalqaaday arimaha ciidamada waxa uu sheegay in dhowaan la dhamaystiri doono agabka iyo qalabka ay ku howlgalaan ciidamada XDS iyo in dib loo howlgalin doono xeryihii ciidamada.

Xukuumada RW Saacid ayaa sideey horay ubalanqaadaybo waxay dadaal adag ugu jirtaa xasilinta dalka iyo ladagaalanka Al-shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here