RW Saacid oo maamulada dalka ugu baaqay in ay midoobaan

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa maamulada dalka kajira ugu baaqay in ay miidoobaan iskaashina lasameeyaan doowlada, Saacid ayaa sheegay in midnimada Soomaaliya ay door muhiim ah ka qaateen Soomaalidoo idil.

Ra’iisul wasaaraha ayaa amaan gaar ah usoo jeediyay maamulada Somaliland iyo Puntland.

“Midnimada Soomaaliya waxay ku timid dadaal xoogiisu kayimid dadka Soomaaliyeed oo wadajira gaar ahaan gobollada Somaliland, midkii iyo mid kabadan baanu ugu fadhinaa, Soomaaliyana u horseeda wadajir iyo midnimo” ayuu yiri RW Saacid.

Ra’iisulwasaaraha ayaa sidoo kale amaan ballaaran usoo jeediyay dadka reer Puntland uu sheegay ineey yihiin dad aad ujecel doowladnimada, iyo sidii ay u garab istaageen maraxishii kala duwanayd ee uu dalka soo mara.

Sidoo kale waxa uu amaan usoo jeediyay ururka Ahlusan wal-jamaaca oo iyagana ka taliya goobalada dhexe, RW ayaa ku amaanay maamulka Ahlusuna sida ay ula dagaalameen Al-shabaab, sidokale RW waxa uu amaan usoo jeediyay maamulka Ximin iyo Xeeb iyo sidii ay uga shaqeeyeen sugida amaankooda iyo ladagaalanka kooxaha Burcad-badeedda.

“Gobolada dhexe gaar ahaan magaalada Dhuusa-mareeb iyo maamulka Ahlusana sida ay isaga celiyeen una dagaalameen Al-shabaab, waan xusuusanahay mana hilmaami doono doorkooda” ayuu yiri RW Saacid.

Xukuumada RW Saacid oo hada 56 maalmood jirsatay ayaa ku mashquulsan maamul usamaynta gobolada laga saaray Al-shabaab iyo adkaynta amaankooda, waxaana hadda ay xukuumadda u muuqataa mid dooneeysa ineey markale dib usoo celiso midnimada Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here