RW Saacid oo gaaray Gal-gaduud

Ra’iisulwasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid,iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa gaaray magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Gal-gaduud, waxaana halkaas si diiran ugu soo dhaweyay qaar katirsan masuuliyiinta ahlusuna iyo dadweynaha ku nool magaaladaas.

R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon ayaa sheegay in si weyn loogu soo dhaweeyey isagoona shacabka uga mahad celiyey sida diiran ay usoo dhaweeyeen bulshada iyo maamulka magaalada Dhuusamareeb isagoona ku tilmaamay in soo dhaweynta ay u muujiyeen shacabka reer Galgaduud uusan hore uga arag magaalooyinkii uu booqashada ku tagay.

Cabdi Faarax Shiirdoon oo ka hadlayey fagaare ku yaala magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay gacan buuxda siin doonto maamulka culima’udiinka ahlu sunna waljamaaca ee ka arimiya qeybo kamid ah gobolka Galgaduud,R/wasaare Saacid ayaa ahlu sunna ku amaanay doorkii ay ka qaateen dagaalka lagula jiro ururka alshabaab.

Ra’iisulwasaaraha, ayaa sheegay in ay xukuumada wixii hadda ka danbeeya mushaaraad u bilaabi doonto Ciidamada ahlusuna, sidookalena ay siin doonto taba barao lagu dhisayo aqoontooda, wuxuuna tilmaamay in dowlada Soomaaliya ay ka go’antahay iney wada shaqeyn dhow la yeelato maamulka ahlu sunna waljamaaca.

Doowlada Soomaaliya ayaa maalmihii ugu danbeeyay ku howlaneed maamul usamaynta gobolada qaar, waxaana socdaalka RW uu qayb kayahay dadaaladaas, iyadoo gobolka Gal-gaduudna uu kamid yahay gobolada ay doowladu rabto in loo sameeyo maamulo dadka ay soo doorteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here