RW Saacid oo Ciidamada Naafada XDS u ballan qaaday Xuquuqdooda

R/wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa waxa uu ballan qaad u sameeyay Ciidanka Naafada eek u jira Isbitaalka Martiini.

IMG_66541

R/wasaaraha ayaa hadalkaan ka sheegay mar uu shalay Isbitaalkaasi gaaray, waxaana uu sheegay in doowlada Soomaaliya ay diyaar u tahay ineey ka war hayso Ciidanka Naafada.

R/wasaaraha ayaa Taliyaha Ciidamada XDS ka dalbaday inuu mar walbo lasoo socodsiiyo xaalada ay markasto ku suganyihiin Ciidanka Naafada XDS.

“Waan garanayaa Xaaladiina waa adagtahay, waxaad u baahantihiin wax walbo oo qof walboo bini’aadan ah u baahanyahay, intaas waxaa idiin dheer badankiina Lixaadkiina iyo Xoogiina oo is raacsaneyn, waanu ka xunahay Ilaaheey baa sidan qadaray, anaguse maanta sidaan idinkugu nimid inaanu maalmaha farxadana idinla ciidno, inaanu idiin sheegno wixii idin gaaray aqoonsi la’aan maahan, tabar kasto oo ay leedahay doowladiina weey idin aqoonsatantahay” sidaa waxaa yiri R/wasaare Saacid oo shalay booqday Isbitaalka Martiini oo ay ku jiraan Ciidamadii kusoo naafoobay dagaalkii 77.

Saacid, ayaa sidoo kale ballan qaaday in Ciidanka Naafada ay mushaaraadkooda ay heli doonaan markasta oo ay Ciidanka Xooga qaataan lacagahooda.

“Xuquuqda idiin bilaabatay idinka go’i meyso, xuquuqdiina Askarinimo in wax leeydinkugu darro maahane ma dhumeyso taas ogaada, maalinka Askariga furunta kujiro uu qaato adinkana waad qaadan doontaan” ayuu hadalkiisa sii daba dhigay R/wasaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here