RW oo si weyn loogu soo dhaweeyay Jowhar Sawiro

R/wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdigii uu hogaaminayay, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Jowhar, ee Xaruunta Shabeelada Dhexe.

Wafdiga R/wasaaraha, oo socdaal dhanka dhulka ah uga amba baxay Muqdisho, ayaa sii maray Balcad, waxayna halkaas kula kulmeen maamulka halkaas ka taliya.

Dadweyne aad u farabadan islamarkaasna ay kamuuqatay Xamasad weyn oo taagnaay hareeraha wadooyinka  ayaa R/wasaraha iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay Jowhar, waxayna luxayeen caleemo qoyan iyo sawirka RW.

R/wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa booqday dhowr meelood oo katirsan magaalada Jowhar, waxaana lageeyay beero ay baxaan geed miroodyo kala duwan, iyadoona ay halkaas Ciyaaro isugu jira hidaha iyo dhaqanka ay kusoo bandhigeen Koox fanaaniin ah.

Booqashada R/wasaaraha ee magaalada jowhar ayaa qayb ka ah, booqasho uu dhawaanhanba ku tagayay qaybo kamid ah gobolada dalka, waxaana shalay uu kasoo laabtay magaalada Kismaayo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com



LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here