RW oo sheegay waqtiga ay Ciidamada AMISOM k baxayaan Soomaaliya

R/wasaare C/wali , ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay ka bixi doonaan Soomaaliya, marka si rasmi ah loo dhiso Ciidamada Soomaaliya.

“Waxaan qorsheynaynaa inaan dhisno ciidamada xoogga dalka, laba todobaad ka horna waxaa qaraar dib loogu dhisayo cidamada Soomaaliya qaatay ururka IGAD. Markaan awood u yeelanno sugidda ammaanka dalkeenna way iska baxayaan gabi ahaan ciidamada walaalaha AMISOM,” ayuu yiri C/weli Sheekh oo sharraxaad ka bixinayay xilliga ay ciidamada AMISOM ka baxayaan Soomaaliya.

Hadalka R/wasaaraha, ayaa yimid mar uu ka warbixinayay Guulihii ugu danbeeyay, ee shabaab laga gaaray.

“Howlgallada socda waa kuwo muhiim ah, waana ku faraxsannahay howlgallada ay wadaan ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM, waxayna la wareegeen sagaal degmo oo ku yaalla gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kuwaasoo ay u adeegsan jireen Al-shabaab inay dhallinyarada ka qortaan lacagana ka urursadaan dadka,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaliya oo ka jawaabayay su’aal ahayd wuxuu ku micneyn karo howlgallada billowga ah ee gobollada dalka ka socda.

Dhanka kale, ra’iisul wasaraha Soomaaliya ayaa wax laga weydiiyay warbixintii ku saab-sanayd in hubka dowladda uu gacanta u galo Al-shabaab ee ay soo saareen guddi ka tirsan Qaramada Midoobay, isagoo si fudud uga jawaabay ayuu sheegay in uusan ogeyn hub ay dowladdu leedahay oo Al-shabaab gacanta u galay ama la siiyay.

“Wabixintaas ma ahayn mid wax nagala weydiiyay, waxaan u qaadanay inay mid khatar ah ahayd, waxaanse baaraynaa sida ay arrintaas ku dhacday, mana ogi hub Al-shabaab ama beelo gacanta loo geliyay,” ayuu C/weli Sheekh hadalkiisa ku daray.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here