RW oo ka hadlay dilal maalmahaan Muqdisho ka dhacayay

Meydadka dad gaaraya ilaa iyo 6 qof, ayaa maanta siyaabo kala duwan loogu arkay magaalada Muqdisho, arintaan oo argagax ku beertay dadka reer Muqdisho, ayaa waxaa kahadlay R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho.

Kadib markii uu soo gaba gaboobay shir ay lahaayeen golaha wasiirada ayuu R/wasaaraha, shir jaraa’id u qabtay saxaafada, ayaa sheegay ineey ka xunyihiin meydadka ilaa 6 qof oo siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada muqdisho, kuwaasoo la sheegay ineey kamid ahaayeen maxaabiis u xirneyd doowlada Soomaaliya.

R/wasaaraha ayaa sheegay in hay’adaha doowlada uqaabilsan arintaan ay kala hadleen, islamarkaasna ay u sheegeen in nidaam shaqadooda waafaqsan in ay ku dhacday, hase ahaateen waxa uu sheegay in ay sid hab ah u baarayaan sida ay wax u dhaceen islamarkaasna ay usaareen gudi ka kooban 3 wasaaradood oo ay hogaamin doonto wasaarada Cadaalada Soomaaliya, kuwaasoo mudo 3 cisho ah looga fadhiyo Xog ku saabsan arintaan si ay doowlada go’aan dhab ah kaga qaadato.

….wal wal badan bay nagu qabatay, waanu kawada hadalnay , meelo badan baanu ka eegnay xogta aynu haysano markii aynu isku soo xoorinay, kadibna aynu warsugan ka helnay hay’adihii noo qaabilsanaa xabsigaas, waxaanu ilaa hada ognahay in hay’adahaasi si shaqadooda waafaqsan geeridaasi ku timid….” Ayuu yiri RW.

R/wasaaraha ayaa dhanka kale sheegay in dood dheer kadib oo ay yeesheen golaha wasiirada ay isla garteen, in mudo kooban gudaheeda in Xog kale oo hoose oo kasii fog  mida laga helay hay’adaha nabad sugida ineey soo saaraan 3 wasaaradood, oo ay hogaamin doonto wasaarada Cadaalada, sidoo kale waxaa qayb ka noqon doona wasaarada arimaha gudaha iyo tan warfaafinta.

R/wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in maalinka Talaadada soo aadan ay golaha wasiirada yeelan doonaan shir aan Caadi ahayn, oo diirada lagu saari doono amuurahaan iyo kuwoo kaloo deg deg ah, waxa uuna ku cel celiyay in aysoo gudbin doonaan Xog lagu qanco, islamarkaasna ay soo cadeyn doonaan sida ay ku dhinteen dadkaan meydadkooda lasoo dhigay qaybo kamid ah muqdisho.

Hadalka R/wasaaraha ayaa yimid kadib markii qaar kamid ah ehelada eedeeysanayaasha ku xirnaa xabsiyada doowlada meydadkooda lasoo dhigay qaar kamdi ah Xaafadaha Muqdisho, waxayna doowlada ka dalbadeen ineey cadeyso sababta dilalkaan ka danbeeya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here