RW oo abaal marin u ballan qaaday ciidamadii ka hortagay weerarkii Jimcaha

“Wixii Jimcaha ka dhacay Madaxtooyada, wuxuu ka yimid Cadaadis ay Xukuumadu ku hayso kooxahaas, kooxahaani waxay raadinayaan fursado ay ku miijiyaan ineey jiraan qatarna ku yihiin Amnigeena” ayuu yiri R/wasaare C/wali.

Waxaa R/wasaaruhu uu xusay in Tallaabooyin ay qaadeen oo ay kaga jawaabayaan weerarkii ay Al-shabaab madaxtooyada kusoo qaadeen.

“Waxaa Tallaabooyinkaas kamid ah waxaan baaritaan dhab ah oo qoto dheer ku sameyn doonaa weerarkii Jimcihii, si loo ogaado wixii dhacay sababtii ay u dhacday, cidii ka danbeysay iyo sida loo wajahay markii falku dhacayay” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

R/wasaaruhu wuxuu kaloo sheegay ineey Baarlamaanka hor geyn doonaan sharciga la dagaalanka Argagixisada kaasoo lala tiigsan doono siduu yiri kuwa Al-shabaab gacanta siiya ama katirsan.

“Waxaa dhawaan Baarlamaanka xukuumadeyda horgeyn doontaa sharciyo lagu qaado Argagixisada, sharciyadaas waxay ciqaabi doonaan sidoo kale shaqsiyaadka kal kaala falalka Argagixsada” ayuu yiri R/wasaaraha.

Ballanqaad:

R/wasaaraha ayaa dhanka kale xusay in weerarkii ay Al-shabaab kusoo qaadeen Madaxtooyada uu ahaa, mid ay fashiliyeen ciidamada qaranka, islamarkaasna xukuumadiisa ay Abaal marin Qaran siin doonto ciidamadaas.

“Ilaaladaas iyo Saraakiishaas Madaxtooyada waxay horjoogsadeen oo fashiliyeen hadafkii Argagixisada oo ahaa ineey dad badan gumaadaan, dadkaasoo Masaajidka kujiray, Geesinimadaas waxay mudantahay Abaal marin qaran, xukuumadeeydana waxay ku talajirtaa ineey bixiso Abaal marintaas”.

Halkaan ka dhagayso Khudbadii R/wasaaraha:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here