RW Malta: Badda Mediterranea waxay isku badali doontaa Qabuuraha Muhaajiriinta

R/wasaaraha Jaziirada Malta Joseph Muscat, ayaa sheegay in Badda kala qaybisa Afrika iyo Yurub ay isku badali doonto Qabuuraha Muhaajiriinta Afrikaanka ah ee doonaya ineey si sharci darro ah ku gaaraan wadamada Yurub.Joseph Muscat, ayaa intaas ku daray in uu dareemayo in wadamada Yurub ay dhagaha ka fureysteen baaqyo badan oo ku aadan in shuruuc iyo qawaaniin adag laga soo saaro Tahriibka sharci darada ah. 

 

RW Malta Joseph Muscat
RW Malta Joseph Muscat

Masuuliyiinta Malta iyo Talyaaniga, ayaa si wadajir ah usoo bad baadiyay isbuucaan Tahriibayaal u badan Soomaali, kuwaasoo doon ay wateen ku halaawday meel 120km ujirta Jaziirada Lampedusa oo isbuucii lasoo dhaafay ay ka dhacday Musiibadii ugu xumeyd ebid, waxaana ku dhintay dad gaaraya 300 oo qof, kuwaasoo doon ay saarnaayeen dab uu ka kacay.

R/wasaaraha Malta Joseph Muscat, ayaa doowladaha reer Galbeedka ay hadal afka laga sheego uun ku egyihiin balse aysan la’imaan waxqabad dhab ah, halka Malta iyo Talyaanigana ay maalin walbo soo bad baadiyaan nafaf Tahriibayaal Badda ku dhibaateysan.

Joseph Muscat, ayaa is weydiiyay tirada dadka ku dhiman kara Badda kahor inta aysan reer Yurub xal ka gaarin arintaas.

Masuuliyiinta Jaziirada Malta, ayaa sheegay in 50 qof ay dhinteen saacaidihii lasoo dhaafay kadib markii ay halaawday Doon ay la socdeen, waxaana Doontaas saarnaay dad lagu qiyaasay 200 oo qof.

Tahriibayaashaan ayaa Taleefanka Tharaayaha kula soo xiriiray Ciidamada Badda Malta, laakiin way ka cudur daaryeen oo xiligaas waxa ay ku sugnayeen Biyaha Libya, balse nasiib wanaag waxaa markii danbo soo bad baadiyay Markab Ganacsi oo keenay Xeebaha Lampedusa.

Muhaajiriintaan ugu danbeeyay ee Badda laga soo bad baadiyay, ayaa u badnaa Suuriyaan iyo Falastiiniiin, waxaana ku jiray Haween iyo Caruur aad u yar yar oo qaarkood Umul lagula jiray.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here