RW C/weli: “Xorriyadda Saxaafaddu waxay asaas u tahay dimuquraadiyadda”

RW C/weli: “Xorriyadda Saxaafaddu waxay asaas u tahay dimuquraadiyadda”
RW C/weli: “Xorriyadda Saxaafaddu waxay asaas u tahay dimuquraadiyadda”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta bah-weynta saxaafadda Soomaaliyeed uga hambalyey Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyey in dawladdiisa ay ka go’an tahay kor u qaadista xorriyada saxaafadda.

Isagoo ka hadlayey Maalinta Xorriyadda Saxaafadda ee Adduunka, waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu yiri:

“Waxaan saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo dhammaan bahda saxaafadda uga hambalyeynayaa Maalinta Xorriyadda Saxaafadda ee Adduunka. Waxaan maanta ku celinayaa go’aanka xukuumaddayda ee ku aaddan difaacidda xorriyadda hadalka. Saxaafad xor ah waxa ay astaan u tahay dimuquraadiyadda, waxaana ballan-qaaday dastuurka.

“Saxafiyiintu waxa ay kaalin wax ku ool ah ka ciyaaraan arrimaha bulshada waxana ay taasi keentay in maalintan loo asteeyo Maalinta Xorriyadda Saxaafadda ee Adduunka, iyadoo la aqoonsanayey waxa ay ku biiriyeen dimuquraadiyadda iyo horumarka. Waxaan dooneynaa in saxafiyiinta Soomaaliyeed ay ku shaqeeyaan cabsi iyo eex la’aan maadaama ay qayb weyn ku leeyihiin dadaalka dib loogu dhisayo qaranka Soomaaliya iyo hay’adihiisa.

“Maanta waxaan xusuusanaynaa saxafiyiintii geesiyaasha ahaa ee naftooda ku waayey ama ku dhaawacmay iyagoo difaacaya xorriyadda qowlka ee Soomaaliya. Dawladdaydu waxa ay abuureysaa jawi ay saxafiyiinta Soomaaliyeed ku noqonayaan kuwo la difaaco, la ixtiraamo, shaqadoodana si madax-bannaan u guta.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here