RW cusub oo lagu wado inuu saakay hortago Baarlamaanka

IMG_0232R/wasaaraha Cusub ee uu dhawaan magacaabay M/weynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh, ayaa lagu wadaa inuu maanta oo Sabti ah hortago Baarlamaanka Soomaaliya, si loo siiyo ama loogu diido Codka Kalsoonida.

Amaanka wadada dhinac marta dhismaha Baarlamaanka, ayaa aad loo adkeeyay, waxaana halkaas laga dareemayaa dhaq dhaqaaq xoogan.

R/wasaare C/wali, ayaa maalmihii lasoo dhaafay Kulamo xod xodasho ah la lahaa, qaar kamid ah Xilibaanada si ay usiiyaan Codka Kalsoonida.

Hadii Baarlamaanka ay maanta Kalsoonida siiyaan, R/wasaare C/wali, waxaa lagu wadaa inuu si dhaqso leh usoo magacaabo Golihiisa Wasiirada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here