RW Cabdiweli oo ku baaqay joojinta dagaalka Beled-Xaawo

Raysal wasaaraha oo ka hadlay dagaalka ka dhacay Baladxaawo
Raysal wasaaraha oo ka hadlay dagaalka ka dhacay Baladxaawo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa ku tilmamay dagaalada ka dhacay degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo kuwa nasiib daro ah, isla markaan xukuumaddu ay si adag ula xisaabtamayso cidii ka danbaysay dagaalkaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa cambaarayn dusha uga tuuray kooxaha caadaystay in shacabka dhaxdiisa ku dhex dagaalamaan, iyadoo xiligaan shacab iyo dowladdaba heegan loogu jiro sidii kooxaha nabad diidka ah dalka looga sifayn lahaa.

“Waan ka xunahay dhibaatooyinka soo gaaray shacabka ku nool magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, xukuumaddu waxay ugu baaqaysaa dhinacyada dagaalku u dhexeeyo in si shuruud la’aan ah dagaalka ku joojiyaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

“Waxaan mar labaad ku baaqayaa in la joojiyo dagaalada ay ku wax yeeloobayaan shacabku, Waxaana xasuusinayaa dhinacyada dirirtu ka dhaxayso in Soomaaliya ay maanta mareyso marxalad cusub oo ku salaysan nabad iyo wadatashi, taas oo looga soo gudbay xiligii Colaadaha, ayna hiigsaneyso mustaqbal wanaagsan iyo horumar”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay Xukuumaddu baaritaan ku samayn doono cidii ka danbeysay dagaalka lagulana xisaabtami doono cid waliba oo dagaalkaas lug ku yeelata.

1 COMMENT

  1. Waan la soconaa wuxuu kismaayo ka sameeyey in uu dhahay ciidamada dowkada jabhadaha ha isku dhiibaan ciidankii hubkooda dhigey wixii axmed madoobe ku sameeyey dagaalka doolow iyo balad xaawo waxaa wada tageerayaasha r/w waaana riwaayada beenta ah dagaal aan hurisey hala joojiyo waa munaafaqnimo r/ w soomali 1991 u celiyey waayo waa nin xanuunsan una socdo aargoosi qabiil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here