RVP:waan xushmeeynayaa taageerayaasha Arsenal, dareenkoodana ima dhaawici doono

Xidiga naadiga Manchester United RVP, ayaa filaya in lagu soo dhaweeyo aflagaado iyo carro weyn kadib markii uu maanta ka horyimaado naadigiisii hore ee Arsenal.

Robin Van Persie, oo xili ciyaareedkaan koobkiisii ugu horeeyay kula guuleystay naadiga Manchester United, ayaa sheegay in uu mar walbo ixtiraamayo taageerayaashiisii hore ee Arsenal, dareenka ay maanta u muujiyaana isaga aysan dhaawici doonin.

“Waan Ixtiraamayaa Taageerayasheeydii hore ee Arsenal, dareenkoodana ima dhaawici doono” sidaa waxaa yiri Robin Van Persie.

“Taageerayaasha Arsenal marwalbo waxay iga mudanyihiin Ixtiraam, waa kuwo jecel naadigooda waana dareensanahay”.

RVP, ayaa sii daba dhigay hadalkiisa “Ciyaartoyda, Macalimiinta iyo shaqaalaha waa kuwo imaada oo baxa, laakiin taageerayaasha waa kuwo mar walbo garab taagan naadiga”.

Robin Van Persie, waa uu sii hadlay waxa uuna sheegay in uu jeclaan lahaa inuu mar labaad ka ciyaaro Emirates, islamarkaasna halkaas ay xuduntiisa ku duugantahay.

Van Persie, ayaa 8 sano kusoo qaatay garoonka naadiga Arsenal ee Emirates.

Van, waxa uu Arsenal kula guuleystay hal koob oo FA CUP ah, laakiin sanadkii lasoo dhaafay ayuu go’aansaday inuu £22million ugu biro naadiga ay xifaaltamaan Arsenal ee Manchester United, waxaana uu qayb weyn ka qaatay in ay sanadkaan ku guuleystaan koobka horyaalka Ingiriiska isagoo dhaliyay 3dii goo lee habeen hore lagu bur buriyay naadiga Aston Villa.

Taageerayaasha, macalinka iyo Ciyaartoyda Arsenal ayaa ah kuwo aad uga xun ineey arkaan geesigoodii hore RVP oo koob gacanta u galinaya naadaiga ay cadaw wadaaga yihiin ee Manchester united.

Robin Van Persie, ayaa lugtii hore kulan ka dhacay garoonka Old Trafford bishii November gool ka dhaliyay naadigiisii hore ee Arsenal, laakiin waxa uu muujiyay sida uu u ixtiraamayo naadigiisii hore, kadib markii uu diiday inuu dabaal dago.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here