Ruwaayadii u horeysay oo muddo 20-sano kadib maalinta berri lagu dhigi doono Tiyaatarka Qaranka

Labaatan sano ka dib waxaa berri lagu wadaa in lagu soo bandhigo Golihii Murtida iyo Madadaalada ee National Theatre Ruwaayadii u horeysay.

Ruwaayadan oo loogu magac daray DARDAARAN WAALID ayaa waxaa soo bandhigaya Fanaaniinta Hobolada Qaranka Waabari iyo afar kooxood oo ka mid ah Kooxaha Fanka ku jiray.

Soo bandhigida ruwaayadan ayaa muujineysa sida dib loogu abaabulay Fanka Soomaaliyed iyo Farshaxanka markii u horeysay.

Ruwaayadan ayaa noqon doonta mid si toos ah looga daawado aduunka, iyadoo ay soo gudbinayaan Telefishinada ku hadla Afka Soomaaliga iyo kuwa Caalamiga ah.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa ay si toos ah uga daawan doonaan Somali National TV ama TV-ga qaranka, Universal TV iyo Al Jazeera Mubaashara, waxaa uu barnaamijku bilaabanayaa 2:30 – 6:00 Galabnimo.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.