Ruuxii ka dhacay Diyaarada Daallo oo noqday Ganacsade Caan ah

Doowlada oo baareysa qaraxa diyaarada Daalo
Doowlada oo baareysa qaraxa diyaarada Daalo

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in ruuxii ka dhacay Diyaarada Daallo ee meydkiisa laga helay Balcad, uu noqday Ganacsade caan ah oo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Beledweyne.

Ninkaan ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdulaahi Cabdi Salaan Boore.

Wararka qaar ayaa sheegay in ninkaan uu arimo Caafimaad ugu socday dalka India, halka kuwo kalena ay sheegayaan inuu u socday Dalka Turkiga.

Qaar kamid ah Ehelada ninkan, ayaa meesha ka saaray suuragalnimada inuu isqarxin damacsanaa, ama uu ahaa ruuxa waday Bamka ku qarxay Diyaarada.

Wakaalada wararka Reuters oo soo xiganeysa ilo katirsan sirdoonka Mareeykanka, ayaa daabacday in Al-shabaab looga shakisanyahay ineey masuul ka ahayd qaraxii ka dhacay gudaha Diyaarada Daallo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here