Ruux isku qarxiyay Meel u Dhow Masjidka Nabiga NNKH

76079B60-B88A-4B09-AB18-48921E18384D_cx0_cy9_cw0_w987_r1_s_r1 (1)Qof isa soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay meel u dhow masjidka barakaysa xaramka ee magaalada Medina.

Wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga ayaa sheegtay in afar ka tirsan ciidamada amniga ay dhinteen, 5 kalena ay ku dhaawacmeen, iyagoo isku dayayay inay ninkaasi is-qarxiyay ka horistaagaan inuu masaajidka galo.

Masaajidka xaramka Madiina waxaa ku aasan Nabi Maxamed NNKH, waxaana sannad walba booqda malaayiin Muslimiin ah oo xujay ah oo daafaha dunada ka kala yinmaadab.

Dalka Sacuudiga sidoo kale laba qarax ayaa shalay dhacay.

Qof is miidaamiyay ayaa isku qarxiyay masjid ay Muslimiinta Shiicadu ku tukadaaan oo ku yaalla magaalada Qatif ee bariga Sacuudiga, halka saacaddo ka horna, qof kale uu isku qarxiyay meel u dhow qunsuliyadda Maraykanku ku leeyahay magaalada Jeddah. Safaaradda Maraykanku waxay sheegtay inaan qofna wax ku noqon qaraxaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here