Ruushka oo raba in doorka Jaamacada Carabta ee Suuriya la balaariyo

Wasiirka arrimaha dibada Russia Sergei Lavrov ayaa ku baaqay in xal dag dag ah laga gaaro qalaasaha siyaasadeed ee dalka Syria isla markaana la balaariyo doorka Jaamacada Carabta ee dalkaasi.

Kadib booqasho uu ku tagay magaalada Dimashaq ayuu Mr Lavrov sheegay in xukumada Suuriya ay diyaar u tahay in la badiyo howlgalka goobjoogayaasha Jaamacada Carabta ee dalka Suuriya, waxa kale oo uu intaasi raaciyey in laga yaabo in dalka laga sameeyo cod loo qaado dastuur cusub.

Booqashadiisa waxay imaaneysaa xilli dowladaha Russia iyo China ay codka diidmada qayaxan saareen qaraar ka dhan ahaa Suuriya oo ay diyaariyeen dalalka kale ee codka ku leh Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Dhanka kale dalalka Khalijka ayaa sheegaya in ay eryayaan dhamaan safiirada Suuriya ka jooga dalalkooda.

CIidamada dowlad ayaa wali wada dilka ay ku hayaan dadka shacabka ah gaar ahaan kuwa magaalada Homs, waxaa la sheegayaa in tan iyo Jimcihi la dilay 95 ruux.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.