Ruushka oo doowlada Turkiga digniin ujeediyay

Doowlada Ruushka ayaa Ankara uga digtay in sawaariiqda difaaca Gantaalaha “patriot”, war kasoo baxay wasaarada arimaha dibada Moscow ayaa sidaas lagu sheegay.

Afhayeen uhadlay wasaarada arimaha dibada Moscow ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa Turkiga kawado xuduudka Syria ay sii murjineeyso xaalada.

“Saaxiibadeena Turkiga waxaan ugu nasteexeyneynaa in xalka diblomaasiyadeed lagu badalo kan milatariga, lagana wada hadlo waxyaabaha dhaliyay dhibaatada” ayuu yiri afhayeenka uhadlay wasaarada arimaha dibadda Mosco.

Dhanka kale wasirka arimaha dibadda France ayaa sheegay in doowlada Faransiiska ay taageersantahay in Ankara ay gantaalada difaaca ay ku rakibto xuduudka ay la wadaagto Syria, islamarkaasna aysan jirin sabab loo diido dalabka Turkiga.

Golaha NATO ayaa arbacadii sheegay in doowlada Anakara usoo gudbisay dalab rasmi ah kuna aadan in lagu taageero ineey xuduudka ay laleedahay Syria ku rakibto gantaalada Patriot ee kahortaga gantaalada kale.

Waxaa jirtay maalmihii ugu danbeeyay mugdi soo kala dhex galay Syria iyo Turkiga, qilafka labada wadan ayaa ku saabsan kacdoonka kasocda dalka Syria maadaama ay Ankara taagerto mucaaradka dagaalka kula jira xukuumada Asad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here