Ruushka iyo Maraukanka oo isku mari la’ Ukraine

John Ker iyo Sergei Lavrov
John Ker iyo Sergei Lavrov

Xoghayaha arrimaha dibada ee Maraykanka, John Kerry, ayaa sheegay in labada dhinac ay wadahadalka daacad u ahaayeen, isla markaana ay ka go’an tahay in ay xal diblomaasiyadeed gaaraan.

Wasiirka arrimaha dibada ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa sheegay in ay fikrado kala duwan labada dhinac soo bandhigeen, balse ay isku afgarteen baahida loo qabo in xal diblomaasiyadeed laga gaaro Ukraine.

Mr Kerry ayaa dhankiisa sheegay in xalka ugu dambeeya ay gaari karaan dadka reer Ukriane, Mr Lavrov-na waxaa uu carabka ku adkeeyay in Ruushka uu diyaar u yahay la shaqeynta Ukriane.

Mr Kerry ayaa dhanka kale dalbaday in Ruushka uu ciidamadiisa ka qaado soohdinta uu la wadaago bariga Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here