Ruud van Nistelrooy oo ciyaaraha ka fariistay

Laacibki dalka Holland Ruud van Nistelrooy ayaa maanta iclaamiyey inuu guud ahaan ka fariistay ciyaaraha kubada cakta, kadib marki uu diiday inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda Malaga.

35-jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa waxa ka dhacaya qandaraaska uu kula jiro kooxda reer Andalus ee dalkaasi Spain, waxaase uu sheegay inuu markan dareemay in la gaaray waqtigii ku haboonaa inuu iska siibo kabaha kubada cakta.

Van Nistelrooy, ayaa bilaabay xirfadiisa kubada cakta kooxda  Den Bosch ee dalka Holland sanadki 1993-ki, afar sano kadibna wuxuu ku biiray naadiga heerka koowaad ee Heerenveen.

Kadib hal xilli ciyaareed, Van Nistelrooy waxa uu u wareegay kooxda PSV, halkaas oo uu kusoo caan baxay loogana qaatay xulka qaranka Nederlands, aaqirkiina waxa uu ku biiray kooxda Manchester United kadib sadex xilli ciyaareed oo uu guula waaweyn kula gaaray kooxda Eindhoven.

Van Nistelrooy waxa uu si dhaqso leh ku noqday xubin muhiim ah oo ka tirsan kooxda ka ciyaarta garoonka Old Trafford isaga oo u dhaliyey 150 goals 219 kulan oo uu u ciyaaray.

Gooldhaliyahan qatarta ah ayaa xagaagi 2006 ka dhaqaajiyey magaalada Manchester isaga oo iska xaadiriyey kooxda Real Madrid, halkaas oo uu kula guuleystay laba horyaal.

Halyeeygaan reer Holland ayaa sidoo kale 18 bilood usoo ciyaaray kooxda reer Jarmal ee Hamburg, isaga oo kusoo qatimay kooxda uu maanta ka tagay ee Malaga oo uu ku wareegay bilowgi xilli ciyaareedka haatan dhamaaday ee 2011-12.

Van Nistelrooy wuxuu u saftay xulka qaranka Holland 70 oo caalami ah, isaga oo u dhaliyey 35 gool, tartamadi uu kasoo muuqday waxaa ka mid ah koobki Qaramada Yurub ee Euro 2004, Koobki Aduunka ee 2006 iyo Euro 2008. .

Guud ahaan wuxuu dhaliyey 347 gool isaga oo saftay 588 kulan oo rasmi ah, haatan waa ninka labaad ee ugu gool dhaliska badan tartanka Champions League isaga oo leh 56 gool.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.