Rutto:Qurba-joogta Soomaaliyeed haka qayb qaataan dib u dhiska dalkooda

Madaxweyne Kuxigeenka wadanka Kenya William Rutto oo hadal kajeedinayay shirkii shalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada yokohama ee dalka Japan,loogana hadlayay arimaha Soomaaliya, ayaa qurbajoogta Soomaalida ugu baaqay ineey dalkooda dib ugu soo laabtaan islamarkaasna ay dib u dhis ku samaystaan.

William Rutto, waxa uu xusay in wadada kaliya ee Soomaaliya dib loogu dhisi karo ay tahay, in Soomaalida dibadaha ku nool ay dalkooda dib ugu soo laabtan islamarkaasna ay maalgashadaan wadankooda.

Rutto, ayaa xusay in inkastoo Soomaalida ay beesha Caalamka weydiisato taageero caalami ah, hadana loo baahanyahay in xisaabta lagu darsado in Soomaalida dibadaha ku nool ay doorkooda ka qaataan dib u dhiska iyo maalgashiga dalkooda.

“Soomaalida dibadaha joogta waxaan leeyahay aada wadankiina oo dib u dhis ku samaysta, taasina waa wadada kaliya ee Soomaaliya lagu caawin karo” ayuu yiri William Rutto.

Sidoo kale waxa uu xusay in hada doowladiisa ay wado qorsho ay qaxootiga Soomaaliyeed dib ugu soo celineyso gudaha dalkooda, iyagoona gacan kahelaya hay’adaha QM eek u shuqul leh.

“Dhawan waxaan Nairobi ku qaban doonaa shir aanu kaga arinsaneyno dib u celinta qaxootiga Soomaalida, waxana kaalmo weydiisaneeyna hay’adaha samafalka, waxayna u badantahay inaan ku guuleysan doono” ayuu yiri Rutto.

Soomaali badan oo mudo sanado ah ku nool dibadaha ayaa haatan dib ugu soo laabanaya dalka, waxayna meelo badan oo Soomaaliya iyo caasimada ahba ka sameeyay dib u dhis iyo maalgashiyo xoogan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here