Roy Hodgson oo loo magacaabay macalinka xulka England

Xiriirka kubada cakta dalka Ingiriiska ayaa maanta u magacaabay tababaraha xulka qaranka macalin Roy Hodgson oo ahaa tababarihii kooxda West Brom.

64-jirkaan ayaa waxaa doortay guri ka koobnaa afar nin oo ka tirsan xiriirka kuwaasi oo aanan la magacaabin sida uu saxaafada u xaqiijiyey madaxa Xiriirka Ingiriiska David Bernstein.

Waxa uu kaga guuleystay ninka sida weyn loo hadal hayey inuu jagadaan kusoo bixi doono oo lagu magacaabo Harry Redknapp oo haatan ah macalinka kooxda Tottenham kaasi oo loo saadaaliyey marki uu xilkaasi iska casilay tababarihi hore Fabio Capello oo xilka ka tagay bishi February.

Hodgson, wuxuu saxiixay afar sano oo qanadaraas ah, isla galabtana warbaahinta ayuu la hadlay isaga oo sheegay inuu ka dalbanayo taageero ciyaartooyda waaweyn ee xulka England.

Hogson waxaa horyaala shaqo adag taasi oo ah inuu Ingiriiska u qaado koobka Qaramada Yurub bisha June ee soo aadan, sidoo kalana inuu usoo saaro koobka aduunka ee sanadka 2014-ka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.