Rosell: Messi qiimihiisa wuxuu noqon doonaa €580 million

301903_heroaMadaxweynaha kooxda Barcelona, Sandro Rosell, ayaa sheegay in ciyaaryahan Lionel Messi, uu qiimaha ugu badan ee ciyaaryahan lagala bixi doono.

Wuxuu sheegay in Messi uu uga tagi karo garoonka Camp Nou lacag lagu sheegay €580 million –in kastoo uu sheegay in xittaa la oggolaan doonin in uu ka tago kooxda.

Barca ayaa dhawaan iska iibisay Thiago Alcantara, kaddib markii uu ku biiray Bayern Munich , waxaana Rosell uu muujiyay in xidiggan reer Argentine uusan melena uga socon kooxda.

“Dhammaan ciyaartoyda dooneysa in ka tagaan kooxda waa la fasaxaya laakin  Messi meela uma socdo,” ayuu u sheegay Sport.

“Thiago isaga ayaa rabay in uu ka tago kooxda, in mudda ahna wuxuu na weydiiyay in uu ka dego.”Ayuu sheegay .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here