Macalinka kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa sheegay caawa in weerraryahanka kooxda Wayne Rooney uu ka maqnaan doono seddax isbuuc garoomada, kaddib markii uu dhaawacmay.
Ciyaaryahanka ayaa ku dhaawacmay kulan horiyaalka Premier League Axadii ay kooxdiisa la yeelatay Swansea, taasoo ay ku dhammaatay 1 iyo 1.
Cayaaryahanka ayaa ka maqnaa cayaarta dhexmartay Newcastle United ee loo yaqaan Boxing Day, taasoo ay kooxdiisa ku hoggaamineyso 4 iyo 3.
Sir Alex ayaa sidoo kale sheegay In kooxda uu ka maqan yahay Ashley Young oo ka dhaawacmay anqowga iyo Danny Welbeck oo xannuun la il daran, kaasoo dhowr kulan ka maqnaan doono kooxda.