Roombe: “Anniga waan isaga haray musharraxnimada xiriirka kubbadda kolayga”

Guddoomiyihii xiriirka kubbadda kolayga Soomaaliya, Ibraahim Xuseen Cali (Roombe) oo ka mid ah musharraxiinta u taagan xilkaas ayaa ku dhawaaqay inuu ka tanasulay musharraxnimadiisii.

Doorashadda xilka gugdoomiyaha xiriirka kubadda Kolayga ayaa horaanta bisha soo socota lagu wadaa in ay ka dhacdo magaalada Muqdisho, waxaana hadda socda olole ay wadaan dadka doonaya in ay ku guuleesatay doorashadda

Mr. Roome ayaa hadalkan ka sheeghay shir jaraa’id oo Arbacadii ku qabtay xarunta guddiga olombikada Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, isagoona sheegay in arrintaas uu usameyay markii ay soo bateen is-qab-qabsi badan oo ka taagnaa qaabka ay doorashada .

Roombe oo ahaa guddoomiyaha xiriirka kubbadda Kolayga afartii sano ee la soo dhaafay ayaa intaas ku daray inuu doonayo in uusan sabab u noqon burbur ku yimaada xiriirka iyo guud ahaan horumarka Isboortiga dalka, isla markaana uu la shaqeyn doono hoggaanka cusub ee la doorto.

Doorashada hoggaanka xiriirka kubbadda kolayga Soomaaliya ayaa qorsheysneyd in la qabto 20-kii bishan, hase yeeshee khilaaf ka taagnaa qaabka doorashada darteed ayaa dib loogu dhigay ilaa 3-da bisha June.

Xulka qaranka kubbadda Kolayga Soomaaliya ee wiilasha iyo gabdhaha ayaa guulo ka soo hooyay tartamo ka kala dhacay Tanzania iyo Qatar intii uu xiriirka guddoomiye ka ahaa Ibraahim Xuseen Cali Roombe.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here