Roobabka Deyrta oo ka curtay gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Roobab lagu diirsaday ayaa xalay ka da,ay deegaano ka tirsan gobolka Gedo ee koonfur galbeed Soomaaliya.

Roobabkan ayaa si wanaagsan uga da,ay degmooyinka Balad Xaawo, Dooloow, Luuq iyo tuulooyn badan oo ku hareereysan halkaas oo uu biya dhigay, dadka iyo duunyadana ku diirsadeen.

Sida ay dadka deegaanka xaqiijiyeen, roobabka ayaa xoogooda da,ay xalay inkastoo meelaha qaarna ay ka bilowdeen shalay galab.

Waxay kusoo aadayaan xilli ay dadka beeraleyda iyo xoola dhaqatada si weyn ugu baahnaayen roobka si ay uga faa,ideestaan.

10-ki maalin ee lasoo dhaafay ayaa jawiga Muqdisho iyo Shabeelooyinka uu aad u kululaaday si aanan horay loogaga baran, waxaana xaraaradu ay maalmahan aheyd 32 degree ee cabirka kuleelka, halka bilowgi September iyo bilihi ka horeeyey ay xaraarada jawaiga u dhaxeysay 25-28.

Dadka wax ka yaqaana arrimaha xilliyada ayaa sheegaya in marka sidaan ay hawada u kululaato xilliyada roobabkana fooda la galiyo badanaa uu ka da,o Soomaaliya roobab ay dadka ku qabowsadaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here